Xaruntii Villa Somalia oo lagu wareejiyay Golaha Maxkamadaha Islaamka

Print

Xaflad lagu maamuusayay ku wareejinta Xarunta Villa Somalia ee Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta lagu qabtay gudaha xaruntaas, iyadoo halkaasina ay ka xaadireen masuuliyiin ka tirsan Golaha Maxkamadaha oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow iyo xubno kale oo dhinaca ammaanka u qaabilsan.

Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah eeVilla Somalia Shiikh C/Nuur Axmed Kulane (Fiqi Janno) ayaa sheegay in ay sameyn doonaan howlgallo lagu sugayo ammaanka, isagoo si cadna u sheegay in Maxkamaddooda ay ka mid noqon doonto Golaha Maxkamadaha Islaamka, iyadoo Maxkamaddaasina ay leedahay 5 gaari oo Tikniko ah oo laga wareejiyay Xuseen Caydiid, kuwaasi oo kala ah 4 Beebe iyo Gaari uu saaran yahay Qoriga Lidka Diyaaradaha.

Shiikh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Jinaqow) oo guddoomiye ku xigeen ka ah Golaha Maxkamadaha Islaamka xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan cidna laga xigin sugidda ammaanka Muqdisho, isla markaana looga baahan yahay in ay cid kasta ka qeybqaadato

Jen. Maxamed Warsame Dhooleey oo isna ka qeybgalay xafladdii lagu wareejinayay Hubkii Xuseen Caydiid iyo Xaruntii Villa Somalia ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu markii seddexaad xaadir u ahaa Xarunta Villa Somalia oo la isku wareejinayo, “Waxaan u soo joogay Talyaaniga oo ku wareejinaya Soomaaliya, Madaxweyne Aadan Cabudlle (Aadan Cadde) oo ku wareejinaya Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma-arke, maanta waxaan marqaati ka ahay iyadoo Golaha Maxkamadaha Islaamka lagu wareejinayo”ayuu yiri Jen. Dhooleey.

Abuukar Cusmaan Shiikh (Abuukar Ganey) oo ku sime u ahaa Xuseen Caydiid ayaa sheegay in ay nasiib wanaag tahay in xarunta Villa Somalia oo ay muddo hayeen ay ku wareejiyaan Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in ay calfan weysay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay ku shaqeyso, taasi oo ay horay ugu wareejiyeen Guddoomiyaheeda Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraheeda.

Xarunta Villa Somalia waxay fariisin u ahayd Wasiirka Arrimaha Gudhaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid oo aan raali ka ahayn howlgallada Maxkamadaha Islaamka ee ay awooddii magaalada kula wareegayaan.

Xuseen Caydiid mar uu dhawaan booqasho ku tegay deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayuu sheegay in aaney jirin sabab uu Xarunta Villa Somalia ugu wareejiyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna caddeeyay in uu horay ugu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Hayeeshee Culumaaudiin, waxgarad iyo aqoonyahanno ay isku heyb yihiin Xuseen Caydiid ayaa maxkamadaha kala xaajooday in Madaxtooyadii hore ee Soomaaliya lagu wareejiyo Golaha Maxkamadaha, iyadoo gadiidkii iyo maleeshiyooyinkii halkaas ku sugnaana la isla gartay in Maxkamadaha lagu wareejiyo

Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa hataan waxay 100% gacanta ku wada hayaan Magaalada Muqdisho, wixii haatan ka dambeeyana ma jiri doono fariin aan maxkamadaha hoos tegin oo Muqdisho ku yaala, sidoo kalena lama arki doono maleeshiyooyin ka madax banaan Maxkamadaha, waxayna maxkamadaha gacan ku wada dhigidda magaalada Muqdisho ay ku qaadatay muddo 6 bilood ah oo laga soo bilaabo bishii Febraayo 2006.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.