Wasiirro iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo is-casilay

Print

Ku dhawaad 20 xubnood oo isugu jira Wasiirro iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in ay iska casileen jagooyinkii ay hayeen xukuumadda Federaalka.

Wasiirrada iyo ku xigeenada is-casilay oo ay ka mid yihiin Xuseen Maxamuud Shiikh, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere), Cusmaan Xasan Cali (Caato), Cabdi Maxamed Tarax, Maxamed C/llaahi Kaamil, C/kariin Axmed Cali, Fowsiyo Maxamed Shiikh, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Maxamed Cali Bilaal, Mukhtaar Maxamed Yuusuf, Farxaan Cali Maxmuud, Maxamed Jaamac Furux, C/qaadir Shiikh Maxamed, Cali Shiikh Maxamed, Ibraahim Xuseen Cali, Ibraahim Maxamed Deeq, Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa is-casilooda waxay la xiriiriyeen Xukuumadda oo ku fashilantay dib u heshiisiintii loo soo dhisay, marxaladda uu dalka marayo iyo wadatashi la’aan ay kala kulmeen Ra’iisal Wasaare Geedi oo xubnaha Wasiirrada ah u soo gudbin waayay dhaqaalaha soo galay dowladda iyo heshiisyada caalamiga ah ee dowladda ay la soo gashay dalal iyo ururro caalami ah.

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo Wasiirka horumarinta Reer Miyiga ka ahaa Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu xitaa la shaqeeyo xukuumad kale oo uu Ra’iisal Wasaare ka yahay Prof. Geedi. Cusmaan Caato ayaa isagana eedeyn wada shaqeyn iyo is-maqal la’aan ah ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Geedi.

Haddaba is-casilaadda Wasiirradan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo uu jiro mooshin ay wadaan xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood, kaasi oo lagu ridayo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana maalinta Sabtida ah ee soo socota la horgeyn doono Golaha Baarlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.