Shirweyne ay Beelaha Hawiye uga heshiin lahaayeen Khilaafyada u dhaxeeya oo dib loo dhigay ilaa Khamiista

Print

Shirweyne ay Beelaha Hawiye uga heshiin lahaayeen Khilaafyada u dhaxeeya oo dib loo dhigay ilaa Khamiista

Isniin, July 02, 2007HOL): Shirwyne ay isugu imaanayaan Beelaha Hawiye oo maanta lagu waday in uu ka furmo Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ayaa furitaankiisa dib loo dhigay ilaa Khamiista soo socota, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Jufooyinka qaarkood.

Shirkan oo ah mid ay ka qeybgelayaan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, iyo Culumaa’udiinka Beelaha Hawiye ayaa wuxuu yahay mid ay Beelaha Hawiye uga heshiinayaan Khilaafaadka u dhaxeeya, ka hor inta aan la gaarin Shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono.

Ergooyin ka badan 200 oo ruux ayaa Shirweynahan ka qeybgeli lahaa haddii uu maanta bilaaban lahaa, iyadoo qaban-qaabada Shirweynahanna ay leeyihiin Madashad Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Beelaha Hawiye oo la sheego in ay xudun u yihiin mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya ayaa si weyn u kala qeybsanaa muddo dheer, iyadoo ay u kala jirto qeyb taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kale oo ka soo horjeeda.

Xubnihii maanta soo xaadiray ayaa waxay rajo ka muujiyeen in kulankooda ay ka soo bixi doonaan miro wanaagsan, isla markaana ay Beelaha Hawiye ku heshiin doonaan, inkastoo ay jiraan Jufooyin ka tirsan Beelaha Hawiye oo sheegaya in aan shirka lagu casuumin.

Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa sheegay in shirkan uu noqon doono mid uu Hawiye isaga saamaxo xumaato uu kala tirsanayay, wuxuuna caddeeyay in shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waqtigiisa la gaari doono iyadoo ay mideysan yihiin Beelaha Hawiye.

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaan la isku raacsaneyn cidda lagu heshiisiinayo, waxayna Odayaasha Beelaha Hawiye,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ku fikir ah ay qabaan in shirka uu noqdo mid looga hadlo khilaafaadyada Siyaasadeed, halka Dowladda Federaalkana ay rabto in uu noqdo mid ay ku heshiiyaan Beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar uu dhawaan ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono, waxaa uu si cad u sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo Beelaha Soomaaliyeed ee colaadaha dhexmareen,”Siyaasiyiinta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Shirkii Kenya ayay ku soo heshiiyeen, shirkanna waa mid loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online