Shan Ruux oo xalay lagu dilay Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

Print

Shanta Ruux ee xalay la dilay ayaa saakay meydkooda lagu arkay xaafadihii ay deganaayeen, iyadoo ilaa iyo haatanna aan si rasmi ah loo ogeyn ciddii dilkooda ka dambeysay.

Qoys ka koobnaa Seddex ruux (Nin iyo Naag is-qabay iyo Wiil ay dhaleen) ayaa saakay meydkooda laga helay nawaaxiga Warshaddii Sigaarka iyo Taraqa, iyadoo dadka ku dhaqan nawaaxiga halka falka dilka ah ka dhacayna ay sheegeen in Qoyska la dhameeyay loogu galay gurigooda oo aan deegaankaas ka dheereyn.

Nin Farmashi ku lahaa Suuqa Towfiiq ayaa isna xalay lagu dilay Deegaanka Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid xili uu u sii hoyanayay gurigiisa, waxayna ehelada marxuumkan sheegeen in aysan aqoonin sabab loo dilay bacdamaa uusan ka tirsaneyn Dowladda Federaalka, isla markaana uusan horay ula soo shaqeynin Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Deegaano ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kalena Saakay markii uu Waaga baryay ayaa dhalinyaro dooneysay in ay Kubad ku ciyaaraan Barxad ka soo horjeeda Fagaaraha Tareebuunka waxaa arkeen Nin meyd ah oo yaalay halkaas, kaasi oo labo meelood ay rasaas kaga taalay. Mid ka mid ah Dhalinyaradii dooneysay in ay Kubadda ciyaarto ayaa sheegay in markii arkeen Meydka ninkaas ay ku soo baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo degan Isbitaalka Digfeer, kuwaasi oo ku amray in ay meydka qaadaan.

Isu geynta tirada dadka xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa waxay noqoneysaa shan ruux oo seddex ka mid ah ay hal Qoys ahaayeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhamaan dadkaas jirkooda ay ku taalay rasaas lagu dilay.

Labadii habeen ee aynu ka soo gudubnay ayaa iyana seddex dhalinyaro ah waxaa lagu kala dilay Deegaanada Ceymiska iyo Ex-Koontarool Balcad, ilaa iyo haatanna lama sheegin ciddii ka dambeysay dilka dhalinyaradaas oo da’doodu ay u dhaxeysay 25 ilaa 30 sano jir.

Dilalka habeennadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo magaalada Muqdisho uu saaran yahay bandow aan waqti lahayn, kaasi oo tan iyo markii ay soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya aan wax la taaban karo soo kordhin, bacdamaa iyadoo bandow jiro hadana weerarro loo geysanayo Fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia