Jimco, July 13, 2007HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in uu wada hadal kula jiro Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda qaabka loo qabanayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay jiraan dad u kala dab-qaadaya isaga iyo Odayaasha Beelaha Hawiye, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in marka ay wada hadal yeeshaan Odayaashaas uu is-garad dhexmari doono.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in ay hadallo kulul is-weydaarsadeen Odayaashaas, taasina ay keentay in loo baahdo in loo kala dab-qaado, “dadka haddii ay is-af-dhaafaan waxaa loo baahan in afkooda la isu maceeyo oo loo kala dab-qaado, waxaana rajeynayaa in marka aan wada hadalno aan is-fahmi doonno”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere ayaa muujinaya dabacsanaan uu doonayo in uu ku kasbado Dadka ka soo horjeeda maamulkiisa Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo is-bedelkiisan cusubna uu ku soo beegmayo xili ay maalin kaliya ka harsan tahay qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waxaa uu dhanka kale ka hadlay qalalaasaha maalmahan ka taagan Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in aysan Suuqaas wax dhibaato ah ka jirin, isla markaana ay socdaan howlgallo hubka looga uruurinayo Suuqaas.
Sidoo kalena Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay sida ay ku suurtageleyso qabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyadoo ay magaalada ka dhacayaan Madaafiic hoobiyayaal ah, wuxuuna sheegay in shirkaas la qabanayo, isla markaana aan loo hakin doonin dad sida uu yiri mujrimiin ah oo dhiigga dada baneystay.
Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ahaa Golaha Odyaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa dhawaan waxay wada hadal la yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, iyagoo taageeray Qabashada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-ka bishan ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, hadaka Maxamed Dheere uu jeediyay ee ku aadan in uu maamulkiisa la hadlayo Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda qaabka loo qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmayaa iyadoo ay maalin kaliya ka harsan tahay waqtigii loo qabtay in uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
Comment