Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Xukuumadda Federaalka laga soo reebay kaliya Ra’iisal Wasaare Geedi

Print

Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta iyagoo aan is-khilaafsaneyn waxay u khudbeeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay furitaanka kulanka lagu soo bandhigayay Heshiiska ay gaareen seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa sheegay in meel la iska dhigay wixii la isku khilaafay, Xubnaha Baarlamaankana looga baahan yahay in mas’uuliyiinta sare la qaataan heshiiskaas.

Guddoomiye Shariif Xasan waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay u taalo eed uga imaaneysa Shacabka, taasi oo ah in ay isku koobtay xilalka dowladda, wuxuuna talo ku soo jeediyay in Xukuumadda la furo, isla markaana la ogolaado in Golaha Wasiirrada laga soo magacaabi karo dibadda Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed uu u degsan yahay Sharci ay ku dhaqanto oo qodobadiisa ay ka kooban yihiin 71 qodob, kuwaasi oo uu xusay in loo baahan yahay in la dhowro, sida ay u qoran yihiina loogu dhaqmo.

Prof. Geedi waxaa uu sheegay in haddii is-qabad iyo qaladaad dhacaan loo baahan yahay in sharciga loo cuskado, isla markaana laga fogaado in lagu dhaqmo waxyaabo wax u dhimi kara jiritaanka Dowladda.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo khudbad aad u dheer u jeediyay Xildhibaanada ayaa sharaxaad la fahmi karo ka bixiyay waxyaabihii ay ku heshiiyeen seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka, wuxuuna tilmaamay in qodobada lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in la soo dhiso Xukuumad aan tiro badneyn oo 31 Wasiir ka kooban, kuwaasi oo loo eegayo aqoontooda iyo kartidooda, isla markaana lagu sameynayo awood qeybsiga Beeleed ee Afarta Beelood iyo Barka (4.5 formula).

Madaxweynaha waxaa uu si cad u sheegay in Xukuumadda Federaalka la kala diray, kaliyana laga soo reebayo Ra’iisal Wasaare Geedi oo isna muddo 7 cisho gudahood ah laga sugayo in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo wax qaban karta.

“Haddii Xukuumaddii hore ay ahayd tiro badan, haatan Xukuumadda la soo dhisayo waa mid aan tiro badneyd oo 31 Wasiir iyo ku xigeenadooda ka kooban, waxaa dhici karta in aaney wasaaradaha qaarkood u baahan in Wasiir ku xigeeno loo magaacabo”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo rajeeyay in xukuumadda cusub ay noqon doonto mid waxqabad la imaan doonta.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Wasiirradii is-casilay iyo kuwa aan is-casilinba ay nasiibkooda ku soo geli doonaan Xukuumadda cusub oo lagu soo dari doono xubno aan Baarlamaanka ka tirsaneyn.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in marka la soo dhiso Xukuumadda cusub ay shaqeyn doonto muddo seddex bilood ah iyadoo aan kalsooni ka heysan Baarlamaanka, wuxuuse xusay in markaasi kadib uu Baarlamaanka codka kalsoonida u qaadi doono, tiiyo loo eegayo waxqabad iyo waxqabad la’aan waxa ay la timaado mudada seddexda bilood ah, “Markaas hadii ay waxqabad la timaado waxaan idinka codsanayaa in aad kalsoonidiina siisaan, hadde haddii ay waxqaban weysana waa is-casileysaa sida lagu heshiiyay”ayuu yiri Madaxweynaha oo caddeeyay in heshiiska dhexmaray seddex mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka uu fududeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Hadallada ay jeediyeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa ku jiray waxyaabo aan Axdi Qarameedka ku qorneyd sida in Wasiirrada Xukuumadda laga keeno Baarlamaanka banaankiisa iyo in Xukuumadda ay shaqeyso iyadoo aan wax kalsooni ah ka heysan Baarlamaanka, hayeeshee waxaa loo qaadan karaa in ay sidaas ku soo heshiiyeen seddexda mas’uul ee Dowladda Federaalka oo khilaafkii u dhaxeeyay ay dhameysay Dowladda Itoobiya.