Hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Addis Ababa oo ka wada hadalaya Arrimaha Dalka Soomaaliya

Print

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Moseveni ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa uu u joogaa sidii uu Arrimaha Dalka Soomaaliya ugala hadli lahaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo madaxda Midowga Afrika ee halkaas ku sugan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay labada mas’uul ka wada hadlayaan xiriirka labada dal iyo weliba arrimo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan Arrimaha Soomaaliya.

Ajendayaasha ay ka wada hadlayaan labada mas’uul ayaa la sheegay in ay safka hore kaga jiraan Arrimaha Xaaladda Dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 1,500 Askari oo ka socda Dowladda Uganda iyo Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku gacan siiyay in ay talada kala wareegaan maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Burundi oo ka mid ah Dowlado dhowr ah oo ballanqaaday in ay Ciidamo Nabad-ilaaliyayaal ah u dirayaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay bisha soo socota Soomaaliya u dirto 1000 Askari, wlaow ay in muddo ah ka cabaneysay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo ka heysata sidii ay Ciidamadeeda ku geyn lahayd Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Mosaveni ayaa inta uu joogo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omer Konnare.

Kulanka ay arrimaha Soomaaliya ka yeelanayaan madaxda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay Muqdisho ka wadaan howlgallo amni sugid iyo hub uruurin isugu jira, halka Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan uu iyana doorkoodu yahay in ay qarxiyaan Miinooyinka iyo Bambooyinka laga soo uruuriyo magaalada Muqdisho, inkastoo ay ammaan ku muteysteen in ay gurmad biyo dhaamin iyo daweyn isugu jira ay u fidiyeen dadkii ka barakacay iyo kuwii ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia