Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo maalintii seddexaad howlgallo baaris ka wada Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magaalada Mu

Print

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo maalintii seddexaad howlgallo baaris ka wada Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magaalada Muqdisho

Sabti, July 07, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa maalintii seddexaad waxay howlgallo nabad-sugid iyo baaris ah ka wadaan Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magalaada Muqdisho.

Labadan Waddo oo Galbeedka iyo Koofurta ka mara Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dhoobay Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Dadka iyo Gaadiidka u diiday in ay Waddooyinkaas maraan.

Ciidamadan ayaa kuwooda ugu badan waxay fadhiyaan waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag, Bakaaraha, Carwo Idko, Baar Ubax iyo Black Sea, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo tiro badan oo Soomaali ah ay gudaha Suuqa Bakaaraha baaris ka wadaan.

Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ay Ciidamadan howlgalladooda baarista ah si rasmi ah uga bilaabeen Suuqaas, iyadoo la xusuusan yahay in ay Dad badan ka kaxeysteen Masjidka Abaa Hureyra, kadib markii ay ka soo baxeen Salaaddii Duhurka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalka laga wado magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha uu yahay mid ammaanka lagu sugayo, iyagoo sheegay in Suuqaas uu ku jiro hub badan, halka ka sii horna uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho laga soo abaabulo Suuqa Bakaaraha.

Haddaba iyadoo ay howlgalladan wadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa hadana waxaa Magaalada Muqdisho ka dhaca Qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo isla Ciidamadan la sheegayo in ay ammaanka sugayaan, iyadoo taasina ay muujineyso in ay Muqdisho ku sugan yihiin kooxo diidan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, howlgallada ay sameynayaan Ciidamadan ayaa mar kasta waxay caqabad ku noqdaan isu socodka dadka haddii ay ahaan lahaayeen kuwo howlo shaqo u baqooli lahaa iyo kuwo kasab tacliineed u socday, waxayna dadka marka loo diido in ay waddooyinka Laamiga ah maraan ay bilaabaan in ay xaafadaha dhexdooda maraan iyadoo aad maqleyso dad badan oo inkaar dusha uga tuuraya Ciidamada Itoobiyaanka iyo sida ay yiraahdaan Dadka soo kaxeystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia