Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay degmo ka tirsan Gobolka Bay

Print

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan iyo 100 gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ayaa xalay isaga baxay Degmada Bardaale ee Gobolka Bay , iyagoo la sheegay in ay u baqooleen dhinaca deegaanka Luuq ee gobolka Gedo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in ay ciidamadan isaga baxaan marka laga reebo in uu Xukuumadda Itoobiya gaaray cadaadis kaga yimid dhinaca Beesha Caalamka oo beryahaan si weyn uga wel welsan in ciidamada Itoobiya ee galay gudaha Soomaaliya ay timaado xaalad khatar ah.

Ma cadda in ciidamadan ay rasmi ahaan uga baxeen dalka Soomaaliya iyo in ay dib ugu soo laaban doonaan, hayeeshee waxaa uu ka bixitaankooda Soomaaliya uu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay dowladda Federaalka sheegtay in Maxkamadaha Islaamka ay u soo degtay diyaarad ka timid dalka Eritrea oo saanad mileteri u siday.

Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed cabsi ka muujisay weerar uga yimaada dhinaca Maxkamadaha Islaamka oo mar ay maleeshiyooyin ka amar qaata ay tageen degmada Buurhakaba oo u dhow fariisinka Dowladda federaalka Soomaaliyeed.