President Barack Obama has nominated the first U.S. ambassador to Somalia in 24 years. She is Katherine Simonds Dhanani, a Foreign Service veteran who has previously served in five other African countries in various capacities. Dhanani will be based in neighboring Kenya until the situation in Somalia stabilizes to allow the U.S. embassy to reopen.U.S. State Department spokeswoman, Jen Psaki, said in a statement to Mshale that the nomination was a sign of the “deepening relationship” between Somalia and the United States. “Somalia has considerable work ahead to complete its transition to a peaceful, democratic, and prosperous nation. The United States is committed to supporting Somalia on this journey as a steadfast partner,” she added.Two years ago, the U.S. recognized the new U.N.-backed Somali government which continues to battle al-Qaeda linked al-Shabab.Other African countries that she has served in: Deputy Chief of Mission at the U.S. Embassy in Harare, Zimbabwe from 2007 to 2010 as well as at the U.S. Embassy in Libreville, Gabon from 2005 to 2007. Additionally, she was the Political and Economic Section Chief at the U.S. Embassy in Lusaka, Zambia from 2002 to 2005 and Economic Section Chief at the U.S. Embassy in Kinshasa, Democratic Republic of the Congo from 1999 to 2002.Dhanani also served as Staff Assistant in the Bureau of Inter-American Affairs at the Department of State, as Consular Officer at the U.S. Embassy in Brazzaville, Republic of the Congo.Dhanani received a B.A. from Kenyon College and an M.A. from the Massachusetts Institute of Technology.The U.S. Embassy in Mogadishu closed in 1991 when Somalia’s government collapsed as civil war ensued.”As security conditions permit, we look forward to increasing our diplomatic presence in Somalia and eventually reopening the U.S. Embassy in Mogadishu,” Psaki said.Dhanani’s nomination requires senate confirmation.
Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo maalintii seddexaad howlgallo baaris ka wada Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magaalada Mu
|
Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo maalintii seddexaad howlgallo baaris ka wada Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magaalada Muqdisho
Sabti, July 07, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa maalintii seddexaad waxay howlgallo nabad-sugid iyo baaris ah ka wadaan Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ee Magalaada Muqdisho. Labadan Waddo oo Galbeedka iyo Koofurta ka mara Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la soo dhoobay Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Dadka iyo Gaadiidka u diiday in ay Waddooyinkaas maraan. Ciidamadan ayaa kuwooda ugu badan waxay fadhiyaan waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Isgoysyada Aadan Cadde, Howl-Wadaag, Bakaaraha, Carwo Idko, Baar Ubax iyo Black Sea, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamo tiro badan oo Soomaali ah ay gudaha Suuqa Bakaaraha baaris ka wadaan. Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ay Ciidamadan howlgalladooda baarista ah si rasmi ah uga bilaabeen Suuqaas, iyadoo la xusuusan yahay in ay Dad badan ka kaxeysteen Masjidka Abaa Hureyra, kadib markii ay ka soo baxeen Salaaddii Duhurka. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalka laga wado magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha uu yahay mid ammaanka lagu sugayo, iyagoo sheegay in Suuqaas uu ku jiro hub badan, halka ka sii horna uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho laga soo abaabulo Suuqa Bakaaraha. Continue Reading
Shirweyne ay Beelaha Hawiye uga heshiin lahaayeen Khilaafyada u dhaxeeya oo dib loo dhigay ilaa Khamiista
|
Shirweyne ay Beelaha Hawiye uga heshiin lahaayeen Khilaafyada u dhaxeeya oo dib loo dhigay ilaa Khamiista
Isniin, July 02, 2007HOL): Shirwyne ay isugu imaanayaan Beelaha Hawiye oo maanta lagu waday in uu ka furmo Hotelka Shaamo ee Magaalada Muqdisho ayaa furitaankiisa dib loo dhigay ilaa Khamiista soo socota, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Jufooyinka qaarkood. Shirkan oo ah mid ay ka qeybgelayaan Odayaasha, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, iyo Culumaa’udiinka Beelaha Hawiye ayaa wuxuu yahay mid ay Beelaha Hawiye uga heshiinayaan Khilaafaadka u dhaxeeya, ka hor inta aan la gaarin Shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono. Ergooyin ka badan 200 oo ruux ayaa Shirweynahan ka qeybgeli lahaa haddii uu maanta bilaaban lahaa, iyadoo qaban-qaabada Shirweynahanna ay leeyihiin Madashad Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Beelaha Hawiye oo la sheego in ay xudun u yihiin mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya ayaa si weyn u kala qeybsanaa muddo dheer, iyadoo ay u kala jirto qeyb taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kale oo ka soo horjeeda. Xubnihii maanta soo xaadiray ayaa waxay rajo ka muujiyeen in kulankooda ay ka soo bixi doonaan miro wanaagsan, isla markaana ay Beelaha Hawiye ku heshiin doonaan, inkastoo ay jiraan Jufooyin ka tirsan Beelaha Hawiye oo sheegaya in aan shirka lagu casuumin. Continue Reading
Hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Addis Ababa oo ka wada hadalaya Arrimaha Dalka Soomaaliya
|
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Moseveni ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya waxaa uu u joogaa sidii uu Arrimaha Dalka Soomaaliya ugala hadli lahaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo madaxda Midowga Afrika ee halkaas ku sugan. Sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay labada mas’uul ka wada hadlayaan xiriirka labada dal iyo weliba arrimo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan Arrimaha Soomaaliya. Ajendayaasha ay ka wada hadlayaan labada mas’uul ayaa la sheegay in ay safka hore kaga jiraan Arrimaha Xaaladda Dalka Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Dowladaha Itoobiya iyo Uganda. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan 1,500 Askari oo ka socda Dowladda Uganda iyo Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku gacan siiyay in ay talada kala wareegaan maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Dowladda Burundi oo ka mid ah Dowlado dhowr ah oo ballanqaaday in ay Ciidamo Nabad-ilaaliyayaal ah u dirayaan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay bisha soo socota Soomaaliya u dirto 1000 Askari, wlaow ay in muddo ah ka cabaneysay dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo ka heysata sidii ay Ciidamadeeda ku geyn lahayd Soomaaliya. Continue Reading
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Xukuumadda Federaalka laga soo reebay kaliya Ra’iisal Wasaare Geedi
|
Salaad Iidow Xasan
Seddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta iyagoo aan is-khilaafsaneyn waxay u khudbeeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay furitaanka kulanka lagu soo bandhigayay Heshiiska ay gaareen seddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa sheegay in meel la iska dhigay wixii la isku khilaafay, Xubnaha Baarlamaankana looga baahan yahay in mas’uuliyiinta sare la qaataan heshiiskaas.
Xaruntii Villa Somalia oo lagu wareejiyay Golaha Maxkamadaha Islaamka
|
Salaad Iidow Xasan
Xaflad lagu maamuusayay ku wareejinta Xarunta Villa Somalia ee Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta lagu qabtay gudaha xaruntaas, iyadoo halkaasina ay ka xaadireen masuuliyiin ka tirsan Golaha Maxkamadaha oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Maxamuud Faarax Jinaqow iyo xubno kale oo dhinaca ammaanka u qaabilsan.
Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah eeVilla Somalia Shiikh C/Nuur Axmed Kulane (Fiqi Janno) ayaa sheegay in ay sameyn doonaan howlgallo lagu sugayo ammaanka, isagoo si cadna u sheegay in Maxkamaddooda ay ka mid noqon doonto Golaha Maxkamadaha Islaamka, iyadoo Maxkamaddaasina ay leedahay 5 gaari oo Tikniko ah oo laga wareejiyay Xuseen Caydiid, kuwaasi oo kala ah 4 Beebe iyo Gaari uu saaran yahay Qoriga Lidka Diyaaradaha.